4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Dalka Afghanistan oo dadkii shalay qaraxa ku dhintay looga baroor diiqayo

Axad, Luuliyo 24, 2016 (HOL)-Shalay qarax ka dhacay Kabul ayaa waxaa ku dhintay ilaa 80 qof.

Ilaa 230 ugu yaraan ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaa oo aad u cuslaa isla markaana lala eegtay dad dibad baxayay caasimada dalkaa ee Kabul. 

Haatan ayaa waxaa wararku nagu soo gaarayaan in baroor diiq loo baroor diiqayo dadkii halkaa ku dhintay la bilaabay. 

Weerarkaa ayaa waxaa sheegatay jabhada la magac baxday Dawlada Islaamka balse sidoo kale loo yaqaano Daacish ama ISIS.

Madaxweynaha dalkaasi Afghanistan Ashraf Ghani ayaa wacad ku maray inuu u aar gudi doono dadkii shalay halkaa ku naf waayay oo uu ka gudi doono wixii ay galeen dadkii weerarkaa geystay.

QM ayaa ku tilmaantay weerarkaa 'dambi dagaal'.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]