4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Bandhigga buugaagta ee Hargeysa (Hargeisa Book Fair) oo socda

Xaqa masawirka/VOA


Axad, Luuliyo 24, 2016 (HOL)-Caasimada Hargeysa waxaa shalay ka furmay bandhigga buugaagta ee sanadlaha ah ee Hargeysa (Hargeisa Book Fair).

Bandhigaa oo caalami ah ayaa waxaa la qabtaa sanadkiiba mar kanina waa kii 9aad. Sanadkaan ayaa waxaa la sheegayaa in gabdho badan ay aad u soo bandhigeen buugaag ay dhawaan qoreen. 

Dad kakala yimid ilaa 12 dal ayaa kasoo qeyb galay bandhigga welina waa ay soo badanayaan.

Dadkaa yimid bandhigga ayaa isugu jira abwaano, qoraayaal buugaag, turjumaano, saxafiyiin iyo diblumaasiyiin iyo weliba xirfadleyaal kale.

Waxaa kaloo kasoo qeyb gashay haweeneyda ah ku xigeenka safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa Itoobiya, Cate Evans. 

Bandhiggaa ayaa socon doona muddo lix maalmood ah.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]