4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Ilaalada madaxtooyada Turkiga oo la ruqseynayo

Axad, Luuliyo 24, 2016 (HOL)-Kadib afgambigii dhawaan dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga dawlada Turkiga ayaa go'aansatay inay shaqada ka ruqseyso ilaalada madaxtooyada.

Ciidamadaa oo si gaar ah u tababaran ayaa haatan shaqooyinkoodii aan sii wadi doonin. Ciidamadaa ayaa lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay.

Ilaa hada waxaaba la xiray 300 oo ka tirsan askartaa.  Ciidamadaa ayaa guud ahaan waxaa ay tiradoodu gaareysaa 2500 waxayna qabaan tababar aad ah oo dhanka hawlgalada iyo ilaalada ah.

Wiil uu adeer u yahay wadaadka Turkiga ah ee Mareykanka kunool ee lagu magacaabo Fethullah Gulen ayaa xabsiga la dhigay. Wadaadkaa ayaa lagu tuhmay inuu asagu khidadaa soo maleegay.

Guud ahaan dad ka badan 30 kun oo qof ayaa loo xiray afgambigaa oo haatan jeelasha kujira.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]