4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2016
Mareykanka oo Booliiska Somalia ka Caawinaya Dambi-baarista - Qalabna ugu Deeqay (SAWIRO)


Sabti, July 23, 2016 (HOL) — Saraakii ka socda dowlada Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa ciidanka booliiska Somalia ka caawinaya dambi-baarista, iyagoo sidoo kalena Qalab Casri ah oo u sahlaya shaqadan ugu deeqay booliiska Somalia.

Hugo McPhee iyo John M. Harring, ayaa waxay Maanta Muqdisho kulan kula qaateen Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisul Wasaarihiisa, iyagoo kala hadlay xiriirka labada dal iyo sida ay muhiimka u tahay in Dowladda Mareykanka ay Somalia ka taageerto dib u dhiska Ciidamada.

Kulankanka kaddib, ayaa waxay Saraakiishaan Kormeereen Goobaha ay Ciidamada Booliiska Somalia ku shaqeeyaan gaar ahaan xarunta dimbi-baarista booliska ee CID-da oo ay ka hir-geliyeen qayb ay ku tababari doonaan ardayda Jaamacadaha dalka ka soo baxa ee Booliiska Somalia ku biiraya, Gaar ahaan hoggaanka dambi-baarista, waxaana halkaasi kula kulmeen taliyaha dambi-baarista Jen. Saciid Axmed Kadiye.

Sidoo kale, Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka uu ay diyaar u tahay inay billaabo barnaamijyo ay labada dal khibradaha isku weydaarsan doonaan.

Ugu dambeyntii, Saraakiisha Mareykanka ayaa Boliiska Somalia ka Caawinaya Dambi-baarista, Gaar ahaan Daba-galka iyo Baarista Dambiyada, Waxayna sii joogi doonaan Maalmahan Muqdisho, iyagoo tababarro ku siin doona qaar ka mid ah ciidamada booliiska Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya