4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha iyo RW Soomaaliya oo Wufuud kala duwan kula Kulmay Muqdisho


Sabti, July 23, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kula kulmay wufuud kala duwan oo ka socday caalamka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha xubnaha ay la kulmeen waxaa ka mid ahaa, taliyaha cusub ee ciidanka Midowga Afrika ee ka Hawl-galka Somalia [AMISOM], Jen. Cusmaan Subagle oo dhawaan xilkaasi loo Magacaabay lana wareegay.

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika uga wakiilka ah arrimaha Somalia, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u sheegay, in Jen. Subagle uu yahay sarkaal khibrad wanaagsan u leh hawshaan loosoo magacaabay, si hufan uga soo dhalaali kara.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay gacan buuxda ku siin doonto Jen. Cismaan Subagle sidii uu ku gudan lahaa waajibaadka la saaray.

Madaxweyne Xasan iyo RW Sharma'arke, ayaa sidoo kale kulan la qaatay Mr Saroj Jha iyo Mr Amara Konneh oo ka mid ah Saraakiil ka socday Bangiga Aduunka una qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee Waddamada Colaadaha ka soo kabanaya.

Kulankan ayaa intii uu socday ayuu Madaxweyne Xasan xubnaha Bankiga Adduunka ka socday oo uu Wehliyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Somalia Hugh Riddell uga Warbixiyay Xaaladda dhaqaalaha Somalia iyo horumarka laga sameynayo.

Dhanka kale, Madaxda Bankiga Adduunka ka socday, ayaa ballan-qaaday in ay ka go’an tahay in ay si buuxda Dalka Somalia ula shaqeeyaan si loo Xaqiijiyo inuu dalku ku najaxo Barnaamijyadiisa kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabeyaasha.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa waxay sidoo kale kulan la yeesheen saraakiil ka tirsan booliska Mareykanka oo dalka u yimid xoojinta Wada-shaqeynta ka dhexeysa Booliiska Labada waddan.

Ugu dambeyntii, Saraakiisha Booliiska Mareykanka oo kala ahaa; Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay horay uga caawisay Somalia dhinaca Tababarrada, haatana ay diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada Dalka isku Weydaarsanayaan Khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya