4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
DAAWO: Wafuud ka Qayb-galaysa Caleemmo-saarka Ugaas Xasan oo soo Gaaray Beledweyne

Sabti, July 23, 2016 (HOL) — Iyadoo Isniinta soo socota lagu wado - in lagu Caleemmo-saaro Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Magaalada Beledweyne, ayaa waxaa Magaalada si is-daba joog ah u soo gaaraya Wafuud kala gadisan oo u imaneysa ka qeyb-galka Caleemo saarka Ugaaska.

Waxaa, maanta magaalada Beledweyne soo gaaray Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo wafuud kale oo u socta munaasabada calleemo saarka, oo siweyn loogu diyaar-garoobayo magaalada Beledweyne.Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Somalia, ayaa maanta soo gaaray Beledweyne, isagoo sheegay in illaa maalinta berri ah la filayo in ay soo gaaraan Beledweyne wafuud kala gadisan oo isugu jirta duubab dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad Somaaliyeed.

"Ujeedada socdaalkeena waa ka qeyb-galka caleemo saarka Ugaas Xasan, oo waxaan rajeyneyaa in ay si Nabad-galyo ah noogu dhacdo, ilaa maalinta Berri ahna waxaan fileynaa wafuud intaan ka ballaaran ayuu yiri'' xildhibaan Nuur Iidoow.

Ugu dambeyntii, Beledweyne ayaa waxaa laga Dareemayaa Mashuul iyo Ciriiri ka dhashay u diyaar-garoowga Caleemmo saarka Ugaas, iyadoo guud ahaanba gadiidka magaalada lagu xardhay sawirada Ugaas Xassan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Sooomaaliya