4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
Gudoomiyaha Hiiraan: Sarkaal ciidanka Jabuuti ka Tirsan ayaa DIL Noogu Han-jabay (DAAWO)

Sabti, July 23, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar oo maanta kusoo laabtay Beledweyne, ayaa shir jaraa'id ka sheegay in sarkaal ka tirsan Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM dil ugu hanjabay.

Hadalkan ayuu sheegay guddoomiyaha xili uu ka raali-galinayay bulshadii u tagtay soo dhaweyntiisa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo la sheegay in laga xanibay in ay gudaha u gallaan garoonka."Ficilkan maanta leydin kula kacay mid kale ayaa ka horeeyay oo gadiid shacab leeyihiin Sarkaalkaan uu si bareer ah rasaas ula dhacay, markii aan weydiinayna waxaa uu si toos ah noogu sheegay in uu na dilayo," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in fariinta arintan ku saabsan gaarsiiyeen safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada AMISOM Jen Cismaan Subaglle.

Ugu dambeyntii, Eedeyntaan ayaa noqoneysa mid ballaaran oo loo jeediyo sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyo in uu dil ugu hanjabay mas'uuliyiinta dowladda ee Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya