4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
SAWIRRO: Kooxda PUNTLAND oo Maanta u soo baxday Fiinaal-ka Koobka Maamul-goboleedyada


Sabti, Luuliyo 23, 2016 (HOL) - Puntland ayaa iska xaadirisay Finalka koobka maamul -goboleed-yada dalka ka dib ciyaar xiisa leh oo ay la yeesheen koox matalaysay gobolada Hiiraan/Shabelaha Dhexe,iyadoo ciyaar lagu qabtay garoonka Koonis Stadium ay ka soo qayb-galeen boqolaal taageerayaal ah oo labada dhinac kala taageerayay.

Labada kooxood ayaa fursado badan abuuray intii lagu guda-jiray qaybtii hore ee ciyaarta ,waxaana kooxda matalaysay Hiiraan /Shabeelaha Dhexe ay fursado halis ah ku abuureen daafac-yada Puntland,waxaana ay bandhigyo wanaagsan ku sameeyeen xariijinta goolka ,mana suurta-galin in labada dhinac ay wax gool ah iska dhaliyaan qaybtii hore ee ciyaarta ,taasi oo ku dhamaatay 0:0. 

Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe Puntland ayaa la timid goolka Qura ee ay ku badisay ,waxaana u saxiixsay weerar-yahankooda Yacquub ,kaasi oo kooxdiisa u suurta -galiyay in ay iska xaadiriyaan finalka koobka maamul-goboleed-yada dalka oo xiisa gaar ah xanbaarsan.

Puntland ayaa wajahi doonta kooxda Jubbaland oo shalay rigoorayaal kaga badisay kooxda Banaadir ,waxaana maalinimada Isniinta ah lagu wadaa in Puntland iyo Jubbaland ay wada-ciyaaraan finalka oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho ,lamana saadaalin karo kooxda qaadaysa koobkan. 

Dabaal-dagyo ayaa hadda ka soconaya garoonka ay ciyaartu ka dhaceysay ,waxaana lagu wadaa in kooxda Puntland ay u diyaar-garowdo kulanka adag ee ay la yeelan doonaan Jubbaland.

Puntland ayaa group A kula jirtay kooxaha Banaadir iyo Koonfur Galbeed ,waxaana la sii saadaalin karay in ay finalka imaan karaan ka dib bar-barro ay goolasho la horeeyeen oo ay la galeen kooxda Banaadir.

Faysal M.Hassan
[email protected]