4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2016
Uhuru Kenyatta oo ku baaqay in la xoojiyo ciidamada Soomaaliya

Sabti, Luuliyo 23, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si Soomaaliya loo nabadeeyo.

Uhuru wuxuu ugu baaqay ururka Midowga Yurub (EU) iyo Mareykanka in ay taageeraan isla markaana xoojiyaan ciidamada Soomaaliya si ay u hantaan ammaanka dalkooda.

Uhuru oo shalay kulan la qaatay haweeneyda Mareykanka u ah diblomaasiyada sare ee lagu magacaabo  Linda Thomas Greenfield ayaa sidoo kale ugu baaqay Mareykanka iyo Midowga Yurub in ay taageeraan sidoo kale ciidamada AMISOM. 'Kenya waxay dooneysaa inay u doodo dalal kale', Uhuru ayaa sidaa yiri.

'Arintaa waxaa qeyb ka ah in QM ay taageerto booliiska Soomaaliya si ay ammaanka usii adkeeyaan ka hor inta militariga aan la qalabeyn oo aanan la adkeyn', intaa ayuu ku daray.

Dadka siyaasada qaadaa dhiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay fursad wanaagsan u heystaan inay ammaanka dalka hantaan kadib marka ciidamada AMISOM ay isaga baxaan Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli weeraro kusoo qaada hooteelada iyo fariisimada dawlada iyo AMISOM.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi Kenya.