4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
Hadliye: AMISOM Bixitaankooda waa Inaan Waqti Loo Qaban

Sabti, Luuliyo 23, 2016 (HOL)-Wasiirka Arimaha Dibada ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, C/Salaam Cumar Hadliye ayaa sheegay inaan loo baahnayn in waqti loo qabto bixitaanka ciidamada AMISOM.

Wuxuu asagoo asbuucii lasoo dhaafay u waramaayay wargeyska The New Times ee Rwanda uu sheegay in dawlada Soomaaliya aysan dooneyn in AMISOM ay Soomaaliya ka huleelaan ayada oo Soomaaliya aysan weli nabad noqon waqtigii ay doontaba ha qaadatee.

Wuxuu hase ahaatee rajo ka muujiyay in Soomaaliya ha dhawaato ha dheeraato ay noqon doonto dal nabad ah oo barwaaqo ah.  Wuxuu sheegay bixitaanka AMISOM inay tahay arin ku xiran xaalad ee aysan ahayn arin ku taxaluqda waqti.

Wuxuu intaas ku daray in dalku haatan soo kabanaayo oo uusan tirsanayn afar sano ka hor hadase waxyaabo badan ay soo hagaagayaan.

Wuxuu sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed ay gaarayaan 2 ilaa 3 malyan kuwaasoo ku kala nool daafaha caalamka.

Wuxuu yiri waxay sanadkii soo diraan ilaa $2 bilyan oo dalka ay soo galiyaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaalidu aad u maal gashadeen Kenya. Wuxuu yiri waxaa dadka Soomaalida ah ku soo dhaweeyay Islii Nairobi inay maal gashadaan dadka iyo dawlada Kenya.

Haatan wuxuu sheegay in nawaaxigaa oo Nairobi ka tirsan Soomaalidu ay u badan tahay oo ay ku nool yihiin kana ganacsadaan isla markaana ay aad u camireen.

Haatan ayaa wuxuu sheegay waziirku in dawlada Soomaaliya ay isku dayayso inay hagaajiso hayadaha dawliga ah gaar ahaan kuwa qorsheynta.

Hadliye ayaa muddo dheer kunoolaa Washington DC carriga Mareykanka isagoo heyn jiray saadka ama bajetka magaaladaa iyo arimaha khidmada ka hor intii uusan kusoo laaban Soomaaliya oo uusan bilaabin inuu qabto jagooyin kala duwan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]