4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
Safiirada Somalia ee Pakistan oo laga Gudoomay Warqadihii Aqoonsiga Danjirenimo (SAWIRRO)


Sabti, July 23, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Pakistan, Maamnun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Cusub ee Somalia u fariisan doonta Dalkaas, Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq.

Safiiradda ayaa Qaabilaaddeeda si wanaagsan loo maamuusay, iyadoo loo garaacay Astaanta Qaran ee Somalia, isla markaana cutubyo ciidanka dalka Pakistan ka tirsan ka qaadatay salaan-sharaf.

Khadiija Maxameed Al-makhsuumi, ayaa safiir kasoo noqotay Dalka Ciraaq iyadoo ahayd Safiiraddii ugu horreysay ee Soomaaliya u soo Magacawday dalka Ciraaq tan iyo burburkii Somalia.

Dalka Pakistan, ayaa waxaa wax-ka-barta kumannaan arday ah - oo halkaas Jaamacado kala duwan ka dhigta waana waddan sidoo kale Somalia uu xariir dhanka ganacsiga ah kala dhexeeyo.

Ugu dambeyn Danjire, Khadiija Al-Makhsuumi, ayaa horay u soo noqotay Safiirdaddii ugu horreysay oo ay Somalia u magacowdo Pakistan wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya, isla markaana sidan oo kale loo maamuso.

Ibrahim Cumar Baafo
[email protected]  
Melbourne, Australia