4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
SAWIRRO: Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda NILE Academy oo ka baxay Magaalada Muqdisho


Sabti, July 23, 2016 (HOL) — Iyadoo ay maanta ku eg-tahay Muddadii ay Xukuumadda Soomaaliya u Qabatay inay Somalia uga baxaan shaqaalaha NILE Academy inay dalka kaga baxaan, ayaa waxaa ka baxay qaar shaqaallaha hay'addan ka mid ah.

Hay’adda Nile Academy oo ah Hay’ad aan Dowli ahayn ayaa Muqdisho ku leh Xarumo caafimaad iyo kuwo Waxbarasho, iyadoo Hay’addaan ay hoos-tagto hay’ado uu maal-geliyo Sh. Fethullah Gulen oo ah wadaad si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Turkiga, laguna eedeeyay inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay Turkiga.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka DEVA iyo Qoysaskooda, ayaa shalay ka baxay Muqdisho, waxaana tani ay qayb ka tahay ka bixitaanka shaqaalaha hay'adda Nile Academy ay uga baxayaan Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka, Deva Dr. Maxamed Al Perto ayaa sheegay in Somalia ay u yimaadeen in shacabka Soomaaliyeed ay caawiyaan, balse taas bedelkeeda amar lagu siiyay inay dalka isaga baxaan.

Tallaabada shaqaalaha Hay'adda Nile looga eryay Soomaaliya ayaa waxay ku haysaa salka af-gambigii ka dhacay dalka Turkiga, iyadoo Golaha Wasiirrada Somalia ay sheegeen in go'aankan ay qaateen, kaddib markii uu codsi kaga yimid xukuumadda Erdogan.

Ugu dambeyn, Maamulka Somaliland ayaa sheegay inaysan eryi doonin Nile Academy haddii aysan ku xad-gudbin shuruucdooda, isla markaana aysan wax dambi ah ka gelin Somaliland.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya