4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
QM oo ugu baaqday dalalka Afrika inay deymaha ay qaataan dhimaan

 

Xog-hayaha Guud ee UNCTAD, Mukhisa Kituyi


Sabti, Luuliyo 23, 2016 (HOL)-Ayadoo shalay Nairobi lagu soo gabagabeeyay shir caalami ah oo QM qabatay kaasoo looga hadlaayay arimaha ganacsiga (UNCTAD) ayaa waxaa ugu dambeyn markii lasoo xiraayay dalalka Afrika loogu baaqay inay dhimaan daymaha ay qaataan.

Dalalka Afrika ayaa haatan waxaa lagu leeyahay deymo badan.  Shirkaa ayaa ahaa kii 14aad ee noociisa ah waxaana diirada lagu saaraa arimaha horumarka iyo ganacsiga.

Waxaa amuurihii la isla gartay ka mid ahaa horumarinta ama hiigsiga yoolasha horumarineed ee kunsanadka (MDGs).

Waxaa sidoo kale laisla gartay sidii dalalka soo koraya looga caawin lahaa arimaha ganacsiga baddalkii lagu daldali lahaa deymo badan oo ay taagteeda lahayn inay iska bixiyaan.

Sidoo kale waxaa warbixin laga soo saaray dhammaadka shirka iyo waxyaabihii lagu lafo guray kujiray in dhanka kalluumeysiga ee dalalka soo koraya sare loo qaado lana taageero.

Sanadihii 2012 ilaa 2013 ayaa la sheegay in deymaha lagu yeeshay qaarada ay gaareen $443 bilyan kuwaasoo kordhay sanadahaa markii loo eego sanadihii kuwaa ka horeeyay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi
[email protected]