4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
Ku Dhawaad 10 Qof oo Toogasho Lagu Dilay Dalka Jarmalka

Sabti, Luuliyo 23, 2016 (HOL)-Xalay ayaa waxaa toogasho lagu dilay dad ku dhow 10 gudaha dalka Jarmalka.

Arinkaa ayaa yimid ayadoo Yurub iyo qeybo badan oo caalamka ah ay kusoo badanayaan dadka sida bareerka ah loo toogto ama loo waxyeeleeyo.

Ilaa hada inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaa Jarmalka ku dhintay 9 qof.  Weerarka ayaa waxaa uu ka dhcay meel laga dukaameysto oo mashquul badan.

Nin qori sitay ayaa dadkaa halkaa ku laayay sida ciidamada boolisku ay xaqiijiyeen magaalada Munich.

Ciidamada boolisku waxay intaas ku dareen in ninkaasi uu ahaan nin dhallinyaro ah oo Iran kasoo jeeda isla magaaladaana wax badan kunoolaa. 

Si kastaba, ilo-wareedyo kale ayaa sheegay in rag saddex ahaa ay weerarkaa soo qaadeen.
 
Ninkaa ayaan ahayn la-tuhunsane wixii xalay markii uu falkaa ku kacay ka horeeyay.

Ninkaa ayaa boolisku sheegay inuu istoogtay asagiina kadib markii uu dadka halkaa kulaayay.

Dhowr iyo toban qof oo kale ayaa weerarkaa ku dhaawacmay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]