4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2016
Daraasad Sheegeysa in Dadka Waqooyi-bari Kenya aysan Aad Uga Cabsanayn Weerarada Al-Shabaab

Sabti, Luuliyo 23, 2016 (HOL)-Daraasad ay dhawaan soo saartay hayada cilmi baarista iyo daraasadaha ee IPSOS ayaa sheegeysa in badi dadka Kenyanka ah aysan aad uga fakarayn halka ugu weyn ee ay ka helaan xogta.

Waxay IPSOS oo ah shirkad laga leeyahay Koofur Afrika laakiin farac ku leh Nairobi Kenya sheegtay in daraasada ay ku ogaatay in dad badan ay iska indha tirayaan danaynta arimaha muhiimka ah sida ammaanka.

Daraasadu waxay isku dayaysay inay wax ka ogaato sida dadka Kenya ay xog uga hayaan Soomaaliya oo ah dal daris ah isla markaana ciidamada KDF ee Kenya ay ku maqan yihiin si ay nabada halkaa u dhowraan waa sida lagu xusaye daraasada.

Waxay kaloo isku dayaysay inay wax ka ogaato sida ay bal uga war hayaan celinta qaxootiga Soomaalida ah iyo halista ka imaan karta Al-Shabaab.

Gobolka Soomaalidu dagto ee Waqooyi-bari ayaa dadkiisu ugu wargalsan yahay oo arimahaa ka war haya  100% halka gobolka Galbeedku uu ugu hooseeyo, waa sida daraasadu xustaye asagoo maraya heerka 64.5%.

Waxaa daraasadu xuseysaa in waxyaabaha lagu ogaaday daraasada ay ka mid tahay in dadka gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya aysan aad uga cabsi qabin ama aysan u dareemeyn halis ka imaan karta kooxda Al-Shabaab.

Waxay sheegtay in dadka gobolka dariska ah ee Xeebta ay aad uga cabsi qabaan isla markaana ay arintaa darteed ay wadnaha aad farta ugu hayaan. Waxay daraasadu sidoo kale sheegeysaa in dadka reer Waqooyi-bari ay kasoo horjeedaan badankoodu in qaxootiga xeryaha Dhadhaab ee Soomaalida ah dib Soomaaliya loogu celiyo.

Waxay sheegtay in 36% oo qura ay doonayaan in qaxootigaa loo raro Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi Kenya
[email protected]