4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
CAYAARAHA: Kooxda Jubbaland oo ka Adkaatay Banaadir una soo baxday Fiinaal-ka (SAWIRRO)


Jimco, July 22, 2016 (HOL) — Iyadoo heer gabo-gabo ah uu marayo tartanka kubadda cagta maamul-goboleedyada dalka oo uu Gobolka Banaadir Marti-geliyay, ayaa Waxay maanta dhex-martay Cayaar adag Kooxihii kala Metelayay Maamullada Banaadir iyo Jubbaland.

Cayaartoyda Jubbaland ayaa u soo gudubtay wareega ugu dambeeya Final-ka cayaaraha Kubada Cagta ee maamul-goboleedyada dalka, kadib markii galabta ay uga badisay ciyaartoyada metelayay Gobolka Banaadir Gool-ku-laadyo ama Rigoorayaal.

Sidoo kale, Cayaartii dhex-martay labadan kooxood, ayaa ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxood ay isku riiqmeen, taasoo Dadweyne aad u badan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia ay u soo daawasho tageen, waxaana waqtigii loogu talo-galay ay cayaartu kusoo dhammaatay 0-0 oo wax Gool ah aysan kooxuhu kala dhalin.

Markii Xilligii Cayaartu dhamaaday oo kulankana uu Natiijo la’aan yahay ayaa waxaa labada kooxood loo qabtay gool ku laadyo ama Rigoorayaal, Waxaana 9-8 ku adkaaday Kooxdii ka socotay Jubbaland.

Ugu dambeyn, Kooxda ka socota Maamulka Jubbaland ayaa u soo gudbay Final-ka tartanka, Waxayna la Cayaari doontaa Kooxdii kasoo baxda Puntland ama Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaasoo Berri ay dhex-mari doonto cayaar adag.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya