4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
SAWIRRO: Qaban-qaabada Xafladda Caleemmo-saarka Ugaas Xasan oo ka socota Beledweyne


Jimco, July 22, 2016 (HOL) — Waxaa Socota Qaban-qaabada Munaasabada Caleemmo-saarka, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka dhici doonta 25-ka bishan July.

Maalinta loo asteeyay in la qabto Munaasabadda Caleemo-saarka, Ugaas Xasan oo ku beegan Isniinta soo socta ayaa lagu wadaa inay kasoo qeyb-galaan wafuud ka kala imaanaya Gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Hoteellada, ayaa Mashquul ku ah Qaabilaadda wafuud kala duwan ee u imaaneysa Xafladda Caleemo-saarka, waxaana adag inaad si sahal ah ku hesho goob aad degto, madaama Hoteellada qaar ay sii kire-ysteen oo ay xirteen wafuuda la filayo inay maalmaha soo socta degmada Beledweyne yimaadaan.

Magaalada Beledweyne, Waxaa maanta soo ganacsade Max'ed C/llaahi Gar-guurte iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaasoo la filayo inay ka qeyb-galan Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaaska.

Sidoo kale, Maalinta Barri ah - illaa Axada nagu soo Foolka leh, ayaa lagu wadaa in ay Magaalada soo gaaraan wafuud u badan siyaasiyiin oo laga kala sugayo Muqdisho, Deegaannada Puntland, Galmudug iyo Gobollada kale ee Dalka.

Inkastoo dhacdadani ay tahay uun Calememo-saarka Ugaas Xasan - ayaa haddana dhinaca kale waxaa muuqata in Munaasabaddaani noqon doonto mid idhaha bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka soo jiidata, Marka loo eego saameynta uu Ugaasku ku leeyahay guud ahaanba xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo waayadii u dambeeyay uu si weyn uga soo dhax-muuqday.

C/raxmaan Diini Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya