4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
LEILA Zerrougui: Waa in la Daryeelo Carruurta ay Saameynta ku yeesheen Colaadaha (SAWIRO)

Jimco, July 22, 2016 (HOL) — Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha carruurta iyo colaadaha hubeysan Leila Zerrougui ayaa soo gunaanaday booqasho lix casho ah oo ay ku joogtay Somalia, iyadoo shir jaraa’id oo ay Qabatay ka jeedisay Baaq la xiriira in la daryeelo carruurta ay colaaduhu saameynta xoogan ku yeesheen.

Zerrougui ayaa waxay rajo wanaag ka muujisey dadaallada Dowladda Federaalka Somalia iyo mas’uuliyiinta Puntland ay ugu jiraan hagaajinta xaaladaha Carruurta ku jira Colaadaha hubeysan.

“Ma doonayno oo keliya in aan ka saarno Xayndaabka Geerida, waxaan u baahan nahay in aan caruurta u fidino ilaalo, isla markaana aan jilayaasha dhawrista caruurta kala shaqeyno. Gaar ahaan in daryeelka ay u baahan yihiin laga caawiyo,” ayay tiri Zerrougui oo intaa ku dartay. “Waxaanan mas’uuliyiinta Dowladda Somalia u xaqiijiyay inaan sameyn doonno wixii karaankeen ah si loo taageero hindisahan.”

Sidoo kale, Leila ayaa booqatay Goobaha lagu Xiro Carruurta ee ku yaalla Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, waxayna mas’uuliyiinta Somalia oo dhan ku boorrisey in caruurta dagaallada lugu qabto loola dhaqmo sidii dhibanayaal ee aan looga arki lahaa dambiilayaal ah.

“Sidoo kale, waxaan jeclaan lahaa inaan carrabka ku dhufto ahmiyadda dib-u-dhex-gelidda marka khalad dhaco, Waxaanan u baahan nahay in aan hubinno in la saxo qaladka dhacay. Waana inaan carruurta si gaar ah ula dhaqanaa, si Hadhow marka ay Bulshada kusoo laab-taan aan loo faquuqin, lagu Xad-gudbin, isla markaana aan jidadka looga Tegin,” ayay ku dartay hadalkeeda Leila Zerrougui.

Bishii Maarso ee Sannadkaan, Ciidamada Amniga ee Puntland ayaa Qabtay kaddibna xiray tiro carruur ah, kaddib markii la jabiyay Kooxda Al-shabaab oo ay ka tirsanaayeen, taasoo duullaan ku qaadday qaybo ka tirsan deegaannada Puntland.

Leila ayaa intii ay socdaalka ku joogtay Puntland, waxay kulamo la yeelatay Madaxweyne Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa, Wasiirka Garsoorka, garsoorayaal and dacwad-oogayaal. Waxay sheegatay inay ka heshay dhamaantood ballan-qaadyo ah in 12-carruur oo la askareeyay ah oo lagu soo qabtay dagaalka kaddibna dil lugu xukumay aan xukunkaas lugu fulin.

Dhanka kale, Leila Zerrougu waxay Wada-hadallo kula yeelatay Muqdisho, Saraakiil Sare oo Dowladda Federaalka Somalia ka Tirsan, Sida RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga Qaranka iyo Wakiillo ka socday Bulshada rayidka ah ee ilaalinta Carruurta u dhaq-dhaqaaqa.

Ugu dambeyn, Booqashada Leila Zerrougu ayaa kusoo beegmaysa Wax-yar ka hor inta aan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon loo gudbin Warbixin Sanadeedka Carruurta iyo Colaadaha hubeysan - 02-da Bisha Ogoosto ee Sannadkan 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya