4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
BALADWEYNE: Deeq lacageed oo ka timid Sweden oo loo Qabiyay Qoysas Dan-yar ah (SAWIRRO)


Jimco, July 22, 2016 (HOL) — Deeq lacageed oo ka timid magaalada Goteborg ee dalka Sweden ayaa la gaarsiiyay Qoysas ku dhibaateysan dulleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Deeqdaan lacageed, ayaa gaar ahaan waxaa laga soo uruuriyay masjidka lagu magacaabo Islamic Suni Canter oo ku yaala magaalada Goteborg.

Guddiga loo saaray qeybinta lacagtan ayaa sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo siddan oo kale dadka muxusiniinta ah ee reer Sweden uga qeyb-qaataan kaalmeynta dadka walaalahood ah ee dhibaateysan.

Sidoo kale Guddigan ayaa uga mahad celiyay Hiiraan Online gacanta ay ka geysatay siddii loo caawin lahaa dadka ay la soo darseen daruufaha nolaleed ee ku dhaqan gobolka.

Ugu dambeyn, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa bilihii ugu danbeeyayba tan iyo markii ay Fatahaaddu ku dhufatay Magaalada Beledweyne Waxay ku Hawlanaayeen u Gargaaridda Shacabka Dan-yarta ah ee aan waxba haysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya