4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
Shirkii Wasaarada Maaliyadda XFS iyo Maamul-Goboleedyada oo Nairobi lagu soo Gunaanaday


Jimco, July 22, 2016 (HOL) — Waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya lagu soo Gaba-gabeeyay shir ay Wasaaradda Maaliyaddu soo qaban Qaabisay oo ay kasoo qayb galeen maamulada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey Fiscal Federalism oo ah sidii loo qaybsan lahaa dakhqliga iyo khey-raadka dalku leeyahay, waxaana shirka khudbado ka soo jeediyey khubaro Soomaaliyeed oo ka kala Socday Bangiga Adduunka, Wasaaradda Maaliyadda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Macalimiin Jaamacadeed.

Khubarada Soomaaliyeed oo ku takhasustay arrimaha Fiscal Federalism-ka iyo ka qaybgalayaasha ayaa soo jeediyey in loo bahaan yahay in laysla fahmo heerka canshuur ee ay qaadayso dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxaan khubaradu soo bandhigeen noocyada federaalka ee ka jira caalamka iyo midka ugu haboonaan kara ee dalka ka hirgaliya marka laga hadlayo maareynta dakhliga iyo qaybsiga kheyraadka dalka.

Sidoo kale shirku intuu socday ayaa lagu soo bandhigay xog muujinaysa daymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.3 bilyan oo doolar. Waxaana lacagtaas 94% ay tahay dulsaar ku kordhay 26-kii sano ee la soo dhaafay halka 6% ay tahay daynta rasmiga ah ee dalka lagu leeyhay. Dadaalo badan oo ay Wasaarada Maaliyaddu sameeysay ayaa Bangiga Horumarinta Africa shaqaalaysiiyey khubaro soo aruurisa xogta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, daymahaas oo ay leeyihiin Hay’ado Caalami ah, iyo Paris Club Countries oo ay ku bahoobeen wadamo badan. Daymaha tirada badan ayaa noqday caqabado ka hor istaagay Soomaaliya in ay hesho deeqo iyo daymo ay ku hormariso dhaqaalaha guud ee dalka, waxaana wasaarada maaliyadu heshiis lagu cafinayo daynta la gashay Hay’ada Lacagta aduunka IMF bilowga sanadkaan.

Bangiga Aduunka oo wakiil ka ah deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa fududeeyey qabsoomida kulanka, iyagoo ka taageera maamulada gobolada iyo dowladda dhexe dib u habaynta maamulka maaliyadda dalka, waxayna ka fuliyaan dalka mashaaric ay ku baxdo dhaqaalo faro badan iyagoona soo marsiiya Wasaarada Maaliyadda DFS gaar ahaan mashruuca Public Financial Management iyo Recurrent Cost Reform oo u xilsaaran kharashadka malinlaha ah ee dowalda iyo mushaaradka shaqaalaha.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa laga soo saaray guddi farsamo kaas oo si qoto dheer u falaqayn doona sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa dowladda dhexe iyo maamulada gobolada iyo qaabka ugu haboon oo loo midayn karo dakhliga loona qaybsan karo kheyraadka dalka iyadoo la waafajinayo shuurcda dalka edegsan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya