4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
Qunsulka Turkiga ee Hargeysa oo ka Warbixiyay Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland iyo Hay'adda Nile Academy


Jimco, July 22, 2016 (HOL) — Qunsulka TURKIGA ee Magaalada Hargeysa, Muzaffer Yuksel ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland u gudbiyeen in albaabadda loo laabo hay’adda Nile Academy oo uu leeyahay Sh. Fetxullah Gulen oo ah ninka ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo Inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay.

Sidoo kale, Qunsulku waxa uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday oo uu sheegay inay dib u bilaabmi doonaan doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya wixii ka dambeeyo, isagoo sheegay in wakhtigii hore dawlada Turkiga ahayd inay gogosha fidiso, balse hadda loo bedelay in dhexdhexaadiso marka labadda dhinac ismari waayaan, waxaanu xusay in loo magacaabay ergay u gaar ah arrimaha wada hadalada.

Waxaa kaloo uu sheegay in Turkigu damacsanyahay in muwaadiniinta Somaliland ku iman karaan Turkiga Passporka Somaliland iyo in muddooyinka soo socda ka hirgalin doonaan mashaariic horumarineed.

"Waxaan shacabka reer Turkiga ku hambalyeynayaa sidii uga hortageen argagixisadii iskudayday inay inqilaabka madaxweynaha Turkiga, waxaana bogaadin usoo jeedinayaa sidii madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib u maareeyey inqilaabkaasi fashilmay ee ay wadeen kooxo yar oo ciidamada ka tirsan"ayuu yidhi Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa, Muzaffer Yuksel.

Mar uu ka hadlayey wada hadaladda u socday Somaliland iyo Soomaaliya halkay ku dambeeyeen, waxa uu yidhi "Sanadkii 2013 dalka Turkigu waxa ay la wareegtay marti gelinta maaha dhex-dhexaadinta (Somaliland iyo Somalia) oo kaalintayadu ahayd in aanu marti gelino, anagoo bixinayna kharashka tigidhada, diyaarinta goobta lagu qabaneyo shirka, hudheelka ay seexanayaan masuuliyinta ka socday labada dhinac Ka dib afar wareeg ayey wada hadaladdii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya isku afgarteen dhawr qodob oo yaryar, laakiinse qaybta farsamadda sababo kala duwan awgeed kuma dhaqmin qodobaddii ay ku heshiiyeen, Marka, illaa bishi November ee sanadkii hore waxa aanu isku hawlnay in aanu kala shaqayno ama dib u dhis ku samayn lahayn qaab-dhismeedka wada hadalada u dhaxeeya labada dhinac, iyaddoo dowladda Turkigu ay go’aansatay in ay kaalinteedi hore ee marti-gelinta ahayd bedesho, islamarkaana dhex-dhexaadiso labada dhinac, waxaanay u magacowday safiir u xil saaran arrinta wada-hadalada."

Waxaanu intaas ku daray. "Waxana safiirka loo xil saaray arrimaha wada-hadalka Somaliland iyo Somalia markii uu la wareegay hawsha kana dhegaystay dooda labada dhinac ayaa la isku afgartay in la sameeyo waddo khariirad ama road map, laakinse nasiib darro, maadaama doorashooyin ku soo fool leeyihiin Soomaalia ayaa dib u dhigtay, waxaana rajaynaynaa sanadka cusub ee 2017 in aanu sii wadii doono wada hadalada khuseeysa labada dhinac."

Qunsulka waxa uu sheegay in hay’adda Nile oo wadamo badan ku leh jaaamacaddo iyo dugsiyo badan faa’iidadda ay ka gasho loo isticmaalayey inqilaabka dhicisoobay ee Turkiga, waxaanu sheegay in Soomaaliya markii ay u gudbiyeen codsigii ahaa in hay’adaasi laga mamnuuco dalkeedda uu golaha Wasiiradda Soomaaliya markiiba go’aan degdeg ah ka qaatay oo uu shaqadii ka joojiyey ,haseyeeshee waxa uu sheegay in Somaliland oo iyana ka codsanay sheegayna in aanay talaabo ka qaadin hay’adaasi oo ay sii shaqayso Somaliland, waxaanu sheegay in go’aankeedda tixgalinayaan balse codsiyo aanu u dirnay aanay wax jawaab ah naga siin Somaliland.

Waxaanu shacabka Somaliland iyo xukuumaddaba ka codsaday in ay taageeraan shacabka Turkiga iyo dawladoodda si xidhiidhkooduna u sii wanaagsanaado, isla markaana dadka lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen inqilaakaasi fashilmay oo uu ku tilmaamay argagixiso xafiisyadda ay Somaliland ku leeyihiin albaabadda loo xidho sida Soomaaliya ka yeeshay codsigii ay u direen.

Qunsulkan ayaa sheegay in barigii hore sida u haysteen Somaliland iyo imika faraq weyni u dhexeeyo, haseyeeshee imika wax badan fahmeen, waxaanu tilmaamay in ay hadda laga bilaabo xidhiidh joogta ah la yeelan doonaan, isal markaana labadda dhinac wanaajin doonaan xidhiidhkoodda.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa sheegtay in hay’adda Nile Academy aanay wax dambi ah ka galin Somaliland, sidaas darteed aanay suurogal ahayn in xaquuq doodda dhibaato loo gaysto, haseyeeshee, saxaafadda Turkiga qusulkeeda Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ka codsadeen in ururkaasi yahay mid argagixiso ah mudan in talaabo laga qaado, si xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga u xoogaysto, balse illaa hadda wax jawaab ah oo kale kama bixin xukuumadda Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland