4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2016
Itoobiya, Jabuuti iyo Shiinaha oo Wada Fulin Doona Mashruuc Ku Kacaya $4 Bilyan



Jimco, Luuliyo 22, 2016 (HOL)-Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabi doono mashruuc ku saabsan gaaska dabiiciga ah kaasoo ay ka wada shaqeynayaan hirgalintiisa ayada iyo Jabuuti iyo weliba Shiinaha.

Mashruucaa ayaa waxaa uu ku kacayaa aduun lacageed oo dhan $4 bilyan. Arinkaa ayaa shaaca laga qaaday Khamiistii shalay.

Waxaa arinkaa shalay shaaciyay waziirka arimaha dibada ee Itoobiya Tedros Adhanom asagoo furaaya shirka 4aad ee waziirada Jabuuti iyo Itoobiya kaasoo ka dhacaayay caasimada Addis Ababa.

Mashruuca ayaa wuxuu ka kooban yahay dhuun gaaska qaada, warshad gaaska dareere ka dhigta iyo meel laga dhoofsho gaaskaa oo ku taala Jabuuti.

Adhanom ayaa sheegay in mashruucaasi yahay mid ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee labadaa dal ay iska kaashanayaan.

'Waxaanu dardar galin doonaa hannaanka isku dhafka dhaqaalaha', sidaa ayuu yiri.

Wuxuu kaloo carrabka ku dhuftay ahmiyada mashaariic kale oo wadaag ah oo ay kujiraan qad tareen oo casri ah iyo mashruuc koronto.

Waziirka amuuraha dibada ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shirkaa ka sheegay in kulanku kusaabsanaa sidii ajendaha isku dhafka dhaqaalaha labada dal loo dadajin lahaa.

Wuxuu intaa raaciyay in ay barnaamijyadaa oo idil ay yihiin arimo muhiim ah oo in la miin guursho meelo badana laga fuliyo mudan.

Shirkad Shiineys ah oo lagu magacaabo POLY-GCL ayaa mashruucaa maal galin doonta.

Mashruucaa ayaa hirgalintiisu waxay qaadan doontaa muddo 3 sano ah.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]