4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2016
Trump oo Weerar Afka ah Kuqaaday Hillary Clinton

Jimco, Luuliyo 22, 2016 (HOL)-Donald Trump ayaa ku eedeeyay Hillary Clinton oo ah murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka inay tahay qof ku dhaqma musuq.

Wuxuu intaa ku daray inuu asagu yahay saaxiibka ay leeyihiin dadka shaqeysta ee dalkaasi Mareykanka. Wuxuu ballan qaaday inuu soo celin doono ammaanka iyo kala dambeynta dalka Mareykanka.

Asagoo ka hadlaayay Cleveland dalka Mareykanka xalay ayuu Trump sheegay inuu u dagaalami doono samaha dadka Mareykanka.

"Waan idinla jiraa," Trump sidaa ayuu yiri asagoo intaas raaciyay in siyaasadaha Hillary Clinton intii ay ahayd wasiirada arimaha dibada ee dalkaa dartood in ay soo baxday fallaagada Daacish inkastoo arinkaa dad badan oo taageersan xisbigeeda ay dusha uga tuuraan xukuumadii George Walker Bush.

Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka haatan ka jira gudaha Mareykanka ay sabab u yihiin dhibaatooyin iyo colaado ka jira dibada.

Wuxuu sheegay in dhibaatooyinkaa ay sii jiri doonaan hadii laisku halleeyo isla dadkii sababay oo uu ula jeedo Hillary Clinton iyo Obama.

Donald Trump oo ah nin aad iyo aad ay afkaartiisu u qallafsan tahay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inuu murashaxa madaxweynenimo u noqdo xisbigiisa markii uu iska reebay oo isreebreebka ugaga adkaaday dhammaan murashaxiintii kale ee kula loolamayay arinkaa ee isla xisbigiisa.

Aaden M warsame
Hiiraan Online
[email protected]