4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
SAWIRRO: Hormuud oo Sanadkii 4-aad ka qayb-qaadatay Qabashada Tartankii Bishii Ramadaan


Khamiis, July 21, 2016 (HOL) — Shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud - Qaybteeda Gobolka Hiiraan, ayaa Sannadkii Afaraad ka Qayb-qaadatay Taaba-galinta tartan aqooneedka bisha Ramadaan oo ay qabtay Idaacada Hiiraanweyn ee magaalada Beledweyne.

Munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay Tartan aqooneedka Idaacada Hiiraan-weyn oo lagu Qabtay Maanta Magaalada Beledweyne, ayaa Abaal-marin lagu Guddoonsiiyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo lagu amaanay doorkii ay ku laheyn in uu qabsoomo tartanka.

Madaxa Waaxda Suuq-geynta Shirkadda Hormuud, Maxamed Daleel Cilmi - ayaa HOL u sheegay in ujeeddada Shirkaddu Arrintan ka leedahay ay aheyd in dhalinyaradu tijaabiyaan heerkooda Aqooneed, laguna Dhiirri-galiyo Waxbarashada, waxaana uu intaas ku darray in mar walba u taagan yihiin inay ka qeyb-qaataan kobcinta iyo sare u qaadista garaadka dhal-linyarrada Soomaaliyeed, gaar ahan ardeyda dugsiyada.

Tartankan oo Sannad walba bisha Ramadaan ay ku tartamaan kooxo dhallinyaro ah oo laga soo kala xulay xaafadaha magaalada ayaa lagu weydiiyaan su'aalo la xiriira aqoon guud iyo kuwa cilmi ku saleysan waxana ugu danbeyntii la abaal-mariyaan xaafaddda ku soo baxday tartanka ama ku guuleysata.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya