4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
WARBIXIN: Xeerar Cusub oo lagu soo Kordhiyay Horyaalka Premier League-ga ee Dalka Ingiriiska


Khamiis, July 21, 2016 (HOL) — Warbixin ay wadajir u soo saareen xiriirka Kubada cagta dalka Ingiriiska iyo Ururka Kubbadda Ingiriiska - ayaa waxaa lagu sheegay in laga billaabo xilli-cayaareedka soo socda ee Premier League-ga Ingriiska Kaarka Cas ama Guduudan loo taagi doono Cayaaryahankii ka hor-yimaada Garsooraha ama isticmaalana af-lagaaddo.

Warbixintan ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in aad loo ilaalin doono meela ay sida gaarka ah u fariistaan garsoorayaasha cayaarta maamulaya iyo Maamulayaasha kooxaha. Inkastoo aan la sheegin Cayaaryahan Garsoore Caayay ama Af-lagaadeeyay Shantii Xilli-cayaareed ee ugu dambeeyay tartanka Premier league.

Guddoomiyaha Premier League-ga Ingiriiska, Richard Scudamore ayaa sheegay in uu jiray walaac laga qabay muddo dheer in cayaartoydu ay kasoo gudbayaan xad-kooda.

“Waa mas'uuliyaddeena in dabeecadaha noocan ah aan dib dambe loogu dul-qaadan,” ayuu hadalkiisa ku daray Richard Scudamore, oo intaas ku daray. “Inta badan falalka noocan ah waxay dhacaan markay jiraan cayaaro kulul oo Kubadda Cagta ah. Waxaan weli u baahan-nahay xamaasada iyo rabitaanka Taageerayaashu Muujinayaan, Laakiinse Cayaartoyda iyo maamulayaashu waa inay ogaadaan inay jiraan xariiqmo aan lasoo dhaafi karin.”

Dhanka kale, Qaladaadka lagu muteysan karo kaarka Jaalaha ama Huruuda ah ayaa waxaa ka mid ah: In si muuqata oo aanay xushamadi ku jirin garsooraha loola dhaqmo. In jawaab Dagaal ah lagala Hor-yimaad Go'aanka Garsooraha Cayaarta. In Garsooraha la isku Taago. In Garsooraha Xaggiisa loo soo Cararo si Go'aankiisa looga Murmo. Af-lagaaddo ama Af-xumo lagula kaco garsooraha cayaarta ama gacmaha oo lagala hadlo, garsooraha oo jirkiisa la taabto. In ka badan laba Cayaartooy oo garsooraha kusoo xooma – kuwaasoo ugu yaraan mid ka mid ah la siinayo kaarka jaallaha ah.

Ugu dambeyntii, Go’aannadan ayaa waxay imaanayaan iyadoo Bisha Ogoosto ee nagu soo Foolka leh lagu wado in ay billowdaan Cayaaraha Horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga oo ah mid inta badan caalamka si aad ah looga xiiseeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya