4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2016
Boqolaal qof oo ku dhintay asbuucaan duqeynta diyaaradaha Maraykanku ka wadaan Suuriya

Khamiis, Luuliyo 21, 2016 (HOL)-Wararka kasoo baxaya dalka Siiriya ayaa sheegaya in diyaaradaha Maraykanka iyo xulafadiisa asbuucaan  duqeyn ay ka fuliyeen waqooyiga Siiriya ay ku dhinteen dad shacab ah oo gaaraya boqolaal kuwaasoo aanan waxba galabsan.

Duqeyntii ugu xoogga badnayd ayaa waxaa diyaaradahaasi qaadeen Salaasadii lasoo dhaafay ilaa shalay ayagoo aad u garaacay nawaaxiga magaalada Mabij ee waqooyi bari dalka Siiriya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa iminka sheegaya in asbuucaan oo qura diyaaradahaasi ay dileen ugu yaraan 200 oo qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan. Khasaarahaa xooggan ayaa ku habsaday dadka rayidka ah ee magaaladaa iyo nawaaxigeeda ku nool kadib markii diyaaraduhu si aan kala sooc lahayn gantaalo ugu garaaceen halkaa.

Maraykanka ayaa xaqiijiyey in diyaaradihiisu duqeeyeen deegaankaa balse uusan  la socon tirada shacabka halkaasi ku dhintay.

Dadka dalka Suuriya ayaa waxaa muddo shan sano ka badan ku socday weeraro aan loo aaba yeelin oo ay ku hayaan xooggag is baacsanaya oo midkoodna aysan naxariis ku heysan!