4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
Erdogan: Dimuqraadiyad-da Turkiga ma wajahayso wax Halis ah

 /images/2016/July/

Khamiis, Luuliyo 21, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dimuqraadiyadda dalkiisa aysan wajahaynin wax halis ah ,isla markaana ay jiri doonaan howl-galo dheeri ah oo ka dhan ah dadkii ka danbeeyay afgambigii fashilmay ee la doonayay in xukunka looga tuuro dowladdiisa .

“Waxaan si ahaan doon-na dowladd dimuqraadiyad ah ,waxna lagama badali doono nidaamka aan hadda ku shaqaynno dib-na ugama laaban doonno “ ayuu yiri madaxweynaha oo waraysi siiyay Tv-ga Al-jazeera.

“Wax kasta oo muhiim u ah xasiloonaida iyo nabad-galyada qarankan waa la samayn doona “ ayuu mar kale yiri Erdogan oo shaki galiyay in la soo gaba-gabeeyay howl-galladii socday iyo in kale ,waxaana uu sheegay in aan wali la gaarin halkii la rabay.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid wax yar ka dib markii uu ku dhawaaqay seddex bilood oo xaalad deg-deg ah ,taasi oo lagu soo rogay gabi-ahaanba dalka Turkiga oo jawaab u ah isku daygii af-ganbi ee fashilmay.

“Talaabadani waxaa laga leeyahay ujeedooyin cad-cad oo lagula dagaalamayo kooxaha argagaxisda ah iyo xaaladda uu hadda dalkeena wajahayo ,waana la nadiifin doonaa fayriska ku dhex jira gudaha milatariga “ ayuu  ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Talefshinka.

Qaar kamid ah dowladaha xulufada la ah dowladda Turkiga iyo  hay’adaha u dooda insaaniyad-da ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu howl-galadan u adeegsan karo cid kasta oo loo arko in ay mucaarad ku tahay dowlad-diisa.

Ugu danbayn,Erddogan ayaa sheegay in talaabada ay qaad-day dowladdiisa aysan ka duwaneeyn kuwa horey ay dowladdo hore u qaadeen ,waxaana uu tilmaamay in laga hortagi doono wax kasta oo khatar ku ah amniga dowladda Turkiga.


Faysal M.Hassan
[email protected]