4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda oo weeraray Buulogaduud iyo shabaab oo gooyay buundadii Wirkooy


Khamiis, Luuliyo 21, 2016 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo taageero dhanka cirka ah ka helaya ciidamada Mareeykanka ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Ciidamada isku-dhafka ah ayaa waxa ay weerar fool-ka-fool ah ku qaadeen deegaanka Buulogaduud, ayadoo la sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareeykanka ay duqeeyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd halkaasi.

Iska-horimaad xooggan kadib ayay ciidamadii isku dhafka ahaa u suurogashay in ay deegaankaasi kala wareegaan Al-shabaab, ayagoo dagaalyahannada Al-shabaab ay gooyeen buundada Wirkooy oo aan sidaa uga fogeyn Buulogaduud si ay u hakiyaan duulaanka lagu soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland oo qadka teleefoonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen deeganka Buulogaduud islamarkaana qasaarooyin lixaad leh ay gaarsiiyeen Al-shabaab.

Ma jiraan warar madax bannana oo qeexaya qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadka degan tuulooyinka ku dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyay in Al-shabaab ay miinooyin ku xireen buundada Wirkooy islamarkaana ay gooyeen.

Ciidamadan isku dhafka ah ayaa aalaaba weerarro qorsheysan la beegsada saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanada hoostaga degmada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.