4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
Tirada Dadka Qaaday HIV/AIDS Dalka Kanya oo Sare u Kacday



Khamiis, Luuliyo 21, 2016 (HOL)-Tirada dakda uu ku dhacayo isla markaana uu soo ridanayo cudurka HIV/AIDS dalka Kenya ayaa la soo sheegayaa in ay sare u sii kaceyso.

Heerka dadka cusub ee uu ku dhacayo cudurkan dilaaga ah oo si xowli ah sare ugu kacaya ayaa ka dhigan in dalka Kenya uu ka mid noqday wadamada sida ba’an uu u saameeyo  HIV/AIDS.

Sida warbixin cusub oo la soo saaray lagu qoray, 1.8 milyan oo Kenyan ah ayaa qaaday cudurkaa sanadkii 2015.

Dhanka kale warbixinta ayaa  qeexeysa in dalalka Rwanda, Soomaliya iyo Uganda ay yihiin wadamada uu ku sii yaraanayo faafitaanka HIV/AIDS.

Cudurka AIDS ayaa waxaa haatan dunida oo dhan qaba isla markaana la il daran dad gaaraya 36 milyan tiro ahaan kuwaasoo badankoodu ku nool yihiin qaarada Afrika.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]