4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
Ted Cruz uu diiday inuu taageero Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Doorashooyinka November


Khamiis, July 21, 2016 (HOL) — Senator Ted CRUZ ayaa diiday inuu Taageero Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga uga qaybgalaya doorashooyinka Mareykanka ee dhici doona November 2016-ka, Donald Trump.

Xildhibaan Ted Cruz oo hadal ka jeediyay Shir-weynaha Xisbiga Jamhuuriga ee Cleveland, ayaa soo dhaweeyay magacaabista Donald Trump, laakiinse wuxuu ergadii shirka ka qayb-galaysay u sheegay in marka la gaaro Doorashada November uu qof walba waxa damiirkiisu farayo u codeeya, sidoo kale ay u codeeyaan musharraxa ay ku kalsoon yihiin inuu daacad u noqo doono Maraykanka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa u muuqda inuu aaminsa yahay in Trump aanu ilaalin doonin dastuurka dalka Mareykanka. waxaana hadalladiisaas durbadii cambaareeyay xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyagoo ku tilmamaay nin daneyste ah.

Kulanka Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa hareeyay khubdbada Ted Cruz uu kaga soo horjeedo Trump, iyadoo la xusuusto in Cruz u u ka mid ahaa raggii sida aadka ah ay ugu loolameen doorashooyinkii is-reeb-reebka ahaa ninka hadda la magacaabay ee Trump.

Ugu dambeyn, Donald Trump ayaa Ted Cruz ayaa waxaa horay u dhexmaray haddalo aflagaado ah, iyadoo Trump uu wax ka sheegay xaaska, abbaha iyo weliba carruurta Cruz.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya