4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
Madaxda Afrika oo taageeray in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Koofurta Suudan

Khamiis, July 21, 2016 (HOL)-Hogaamiyeyaasha dalalka Afrika ayaa taageeray qorshe lagu doonayo in ciidamo ka socda gobolka loo diro dalka Koofurta Suudan.

Dagaalo ayaa ka soo cusboonaaday dalkaasi Koofurta Suudaan. Dagaaladaa ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof.

Ciidamo ka socda wadamada Itoobiya, Kenya, Rwanda,Suudan iyo Uganda ayaa la qorsheynayaa in loo diro dalka Koofurta Suudan oo labadii sano ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo khasaare xooggan geystay kaasoo isugu jira mid nafeed iyo mid maal.

Ciidamo gaaraya 12,000 oo askari oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa horay ugu sugnaa dalka Koofurta Suudan balse ciidamada Midowga Afrika ayaa la filayaa in halkaa marka la geeyo la siiyo awoodo dheeri ah.

Hase yeeshee dowlada Koofurta Sudan ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo keenitaanka ciidamo nabad ilaalin ah oo dheeraad ah dalkeeda.

Maanta ayaa waxaa ka dhacay dibad baxyo caasimada dalkaas ee Juba kuwaasoo looga soo horjeedo in ciidamo Afrikaan ah la geeyo dalkaa.

Madaxa Midowga Afrika ee arrimaha Nabada iyo Ammaanka Smail Chergui ayaa sheegay in la qorsheynayo ciidamo gaaraya 3000 oo askari oo ah ciidamo gaar ah lana mid ah kuwii horay loo geeyay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo 2013 in la geyn doono wadanka Koofurta Suudan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa taageeray geynta ciidamo ka socda Midowga Afrika dalka Koofurta Sudan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]