4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2016
Turkiga oo Xaalad Dagdag ah Lagu Soo Rogay

Khamiis, Luuliyo 21, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Turkiga, Raccep Tayyyip Erdogan ayaa shaaciyay in dalka Turkiga lagu soo rogay saddex bilood oo xaalad dagdag ah.

Arintaa ayuu sheegay in looga gol leeyahay in baaritaano dheeraad ah loo saamaxo in ciidamada ammaanku ay kusameeyaan la-tuhunsaneyaasha loo soo qabqabtay isku daygii afgabinta dawladiisa asbuuc ka hor.

Asagoo khudbad ka jeedinaayay talefishin ayaa uu sheegay Erdogan in uu wax ka qaban doono caqabada soo food saartay dimuquraadiyada dalkiisa.

Wuxuu intaa ku daray in uu ilaalin doono xorriyada dadka ee dalkiisa. 99 janaraal oo militariga dalkaa ka tirsan ayaa waxaa lagu wadaa in la maxkamadeeyo kuwaasoo la-tuhunsaneyaasha kujira.

Intaa waxaa dheer in in badan oo shaqaalaha dawlada ah shaqada laga eryay.

Sheekh Turki ah oo lagu magacaabo Fatxulaah Gulen oo Mareykanka kunool ayaa lagu eedeeyay inuu soo abaabulay afgambigaa dhicisoobay.  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]