4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
UGAAS CALI: Caleemo-saarka Ugaas Xasan wixii ka dambeeya Waxaan ku Mashquuli... (DAAWO)

Arbaco, July 20, 2016 (HOL) — Kulan ballaaran oo Maanta ay Magaalada Beledweyne ku yeesheen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa looga dhawaaqay in maalmaha soo socda  ku mashuuli doonaan duubabka dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka dhismaha dowlad gobolleed uu yeesho gobolka Hiiraan.

Afhayeenka duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa ku sheegay shirka jaraa'id in wada-tashiyo muddo dheer soo socda kaddib ugu Dambeyntii la go'aansaday in munaasabada caleemo saarka Ugaas Xassan kaddib la guda-gallo dhismaha dowlad gobolleed.

''Waxaan rabaa inaan maanta halka uga dhawaaqo Anniga oo ku hadlaya Afka duubabka dhaqanka, in munaasabada calleemo saarka Ugaas Xassan kadib gobolka Hiiraan yeellan doono Dowlad-gobolleed dhameystiran,'' ayuu yiri Ugaas Cali.

Dhinaca kale Ugaaska ayaa fariin u dirray ururka IGAD oo sida uu hadalka u dhigay looga fadhiyo oo kaliya in ay aqbalaan go'aanka duubabka iyo qeybaha bulshada ee ah in gobolka Hiiraan yahay labo gobol iyo ka badan.

Sidoo kale, Dowlad Federaalka Soomaaliya, ayuu sheegay in ay uga digayaan fara-galinta soo xulista xildhibaannada gobolka Hiiraan uga mid noqonaya baarlamaanka cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya