4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
Ergayga QM u Qaabilsan Carruurta iyo Wasiirka Difaaca Somalia oo Maanta ku kulmay Muqdisho


Arbaco, July 20, 2016 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafdi ka socda Qaramada Midoobay, kaasoo ay Hoggaaminaysay  u qayb-sanaha Xog-hayaha guud ee QM ee Arrimaha Caruurta ku dhex nool waddamada colaaddu ka jiraan, Ms Leila Zerrougui. 

Kulankaan, ayaa looga hadlay sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale u xaqiijin lahayd in caruurta da’doodu ka hooseyso 18-ka sano aan lagu darin ciidamada iyo ilaalinta xaquuqda caruurta xilliga lagu jiro dagaallada.

“Arrintaan, waxay sii Xoojinaysaa ballan-qaadkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gashay ee ku Saabsanaa ilaalinta iyo ka Hor-tegidda in Carruurta yar-yar laga dhigo askar iyo weliba in wax laga qabto Arrimaha la xiriira sidii Carruurta yar-yar - looga saaro goobaha dagaalka,” ayuu yiri Diini.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Al-shabaab ayaa farsamooyin kala duwan u adeegsata cayaalka ay ka qafaalato goobaha ay gacanta ku hayaan, kuwaas oo uu xusay inay si khasab ah u adeegsadaan colaadaha.

Ugu dambeyntii, Kulanka Wasiirka Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa waxaa sidoo kale ka Qayb-galay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya