4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
Hoggaamiyeyaasha Ururka Midowga Afrika oo Taageeray Ciidamo loo diro Koonfurta Suudaan


Arbaco, July 20, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaasha Ururka Midowga Afrika ayaa tageeray qorsha lagu doonayo in ciidammo ka socda Gobolka loo diro Dalka Koonfurta Suudaan, kaddib markii ay dagaallo ay boqolaal ruux ku dhinteen ay ka soo cusbonaadeen Koonfurta Suudaan, taasoo la xiriirta muranka iyo awood qeybsiga talada.

Dalalka Itoobiya, Kenya, Rwanda,Sudan iyo Uganda ayaa la qorsheynayaa in ciidamo nabad ilaalin ah ay geeyaan dalka Koonfurta Sudan oo labadii sano ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo sababay in boqolaal rux ay dhintaan kumanaana ay ku barakacaan.

Illaa 12,000 oo askari oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa horay ugu sugnaa Waddanka Koonfurta Suudaan, laakiin Ciidamada Midowga Afrika ayaa la filayaa in la siiyo awood dheeri ah hase yeeshee Xukuumadda Koonfurta Sudan ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo keenista ciidamo nabad ilaalineed dalkeeda.

Madaxa Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Nabada iyo Ammaanka, Smail Chergui ayaa sheegay in la Qorsheynayo ciidammo gaaraya saddex kun oo askari oo ah ciidamo gaar ah lana mid ah kuwii hore loo geeyay Dalka DR Congo la geyn doono wadanka Koonfurta Sudan.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki­Moon ayaa tageeray geynta ciidamo ka socda Midowga Afrika Koonfurta Sudan oo Qalalaaso Siyaasadeed ay hareeysay madaxda dalkaasi taasi oo sababtay isku dhacyo dhaxmaray ciidamada kala taabacsan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaana isku dhacyadaasi ku nafwaayay boqolaal qof halka kumanaan qoysne ay ku barakaceen.

Cumar Muxumed maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika