4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo bangiyada Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Arbaco, Luuliyo 20, 2016 (HOL)-Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo bangiyada Soomaaliya  isla markaana ay bangiyada dalka Kenya ay maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa furay kulankaa oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, ganacsiga iyo qorsheynta ee labada waddan, masuuliyiinta bangiyada dhexe ee labada waddan iyo bangiyada ganacsiga.

“Ujeeddada kulankani waa in la is dhaafsado sida ay bangiyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya isu kaashan karaan, ayadoo labada dowladood ay taageerayaan ama ay u fududeynayaan arrintaas” ayuu yiri danjire Jamaal.

Cabdirisaaq Xasan oo ah la taliyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in xoojinta iyo sharci siinta bangiyada Soomaaliya ay ahmiyad u leedahay are u qaadidda hannaanka dhaqaale ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sanadihii la soo dhaafay uu bangiga dhexe uu ruqsad siiyay bangiyo iyo xawaalado badan oo dalka ka shaqeeya.

“Waxaan ruqsad siinnay lix bangi oo ganacsi oo qaarkood mas'uuliyiin ka tirsan ay halkaan fadhiyaan, sidoo kalena waxaan ruqsad siinnay in ka badan lix shirkad oo xawaaladeed kuwaas oo adeegyo u qabta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Buteri Watson oo ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay ay horumar weyn ka sameysay hannaanka maamulidda dhaqaalaha dadweynaha, ayadoo la sameeyay sharciyo badan oo taageeraya ama fududueynaya in maal-gashi lagu sameysto waddanka ayadoo ay jirto daahfurnaan maaliyadeed.

“Soomaaliya waxay kutillaabsatay horumar weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah,  oo maamulidda dhaqaalaha dowladda iyo xoojinta hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha ayaa aad loo hagaajiyay” ayay tiri Buteri.

“Hay’adahaas la xoojiyay iyo horumarkaas ayadoo laga amba qaadayo, ayaa waxaan ka hadlaynaa sidee hay’adahaas dowladda ee koraya ay u caawin karaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxa ay ku taageeri karaan iyo sida ay ganacsatada dalalka dariska ah gaar ahaan Kenya u maalgashan karaan Soomaaliya”.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali “Qaloocoow” ayaa shirkaan ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn siinayso xoojinta wada shaqeynta hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeed. Wuxuu intaa ku daray in qorshaha qaran ee horumarinta dalka ay qeyb ka yihiin  horumarinta iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa shegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso in dowladaha dariska ahi ay maalgashi ku sameeystaan Soomaaliya, ayadoo ay dowladdu diyaarisay sharciga maalgashiga dalka, kan Iibka qaranka iyo kuwo kale.

Sidoo kale wakiilo ka socda rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, Bangiyada IBS, Premier Bank, Salaam Somali Bank, Dahabshiil, Amal iyo bangiyo ka shaqeeya dalka Kenya ayaa ka qeyb galaya kulankaan oo doodo ku saabsan sida loo wada shaqeyn karo ay ku yeelanyaan madasha.

Bangiga Adduunka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa soo qaban qaabiyay kulankaan.

Billowgii sanadkaan safaaradda ayaa kulan sidaan oo kale ah u qabatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysta dalka Kenya.