4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
AMISOM: Falkii Askarta Itoobiya ay ku laayeen Shacabka Baaritaanno ayaanu ku Sameynaynaa


Arbaco, July 20, 2016 (HOL) — Taliska AMISOM ee Somalia ayaa sheegay in ay baarayaan falkiii Dad Shacabka ah lagu laayay ee ka dhacay Deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay, kuwaas oo ay ku jireen dad odayaal ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in baartaan hor-dhac ah oo ay sameeyeen lagu ogaaday in tuuladaas ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo dulleedka magaaladaas ay ku dagaalameen ciidamada AMISOM iyo kuwa DF oo dhinac ah iyo Al-shabaab, daqiiqado kaddibna ay xoogagii Al-shabaab carareen, lamana oga in dagaalka uu sabab u ahaa dhimashada dadkan shacabka ah iyo in kale.

"AMISOM nolasha shacabka qiimo weyn ayay ugu fadhidaa, balse wixii kahlad ah oo ay geystaan ciidamada AMISOM waa loogula xisaabtamayaa si waafaqsan shuruucda Midowga Afrika iyo xeerarka kale ee Caalamiga ah," ayuu war-saxaafadeedka ku sheegay ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire, Francisco Madeira.

Ergayga oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. "Xafiiskeyga oo la Tashanaya Dowladda Soomaaliya, waxaay baari doonaan dhacdadaas lagu laayay dadka shacabka ah si loo ogaado xaqiiqada arrintaan. Waan ka sal-gaari doonnaa."

Danjire Madeira ayaa xusay in AMISOM ay ka go’an tahay ilaalinta shuruucda u dhigan Midowga Afrika iyo kan Howl-galka AMISOM kaasoo sheegaya inay Ciidamada waajib ku tahay inay si taxadir leh u dhaqmaan shacabka xilliyada ay hawlgalladu socdaan.

Ugu dambeyn, Falkii Ciidamada Itoobiya ay ku laayeen dadka shacabka ah ee ka dhacay tuulada Wardiinle ee gobolka Bay ayaa waxaa lagu dilay 14-qof oo ay ku jireen odayaal da'doodu gaarayso 80-meeyo sano.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya