4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
Maamulka Koonfur-galbeed oo kooxda Al-shabaab ku eedeeyay Xasuuqii laga Geystay AWDIINLE

 /images/2016/July/

Wasiirka arimaha gudaha maamulka KG Cabduraxmaan Ibraahim Aadan (Satte) 


Arbaco, July 20, 2016 (HOL) — Maamulka Koonfur galbeed Somaliya ayaa ka hadlay xasuuq loo gaystay dad shacab ahaa ,kuwaasi oo ay ciidamo Itoobiyaan ah ku dileen tuulada Wardiinle oo qiyaastii 13 km u jirta magaalada Baydhabo.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka KG Cabduraxmaan Ibraahim Aadan (Satte) ayaa sheegay in dadkaasi la dilay ka dib markii dagaal-yahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ay isku-aruursadeen goobta uu xasuuqani ka dhacay.

"Waxaan halkan uga tacsiyaynayaa dhamaan shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ay dhibaatadu ka soo gaartay ,dhibka dhacay-na waxaa sabab u ahaa nimankaa nabadiid-ka ah ee UGUS " ayuu yiri wasiirka oo wax  laga xumaado ku tilmaamay in tiro intaa la eg ay hal meel ku geeriyoodaan.

"Dadka masaakiinta ah ee odoyaasha deegaanka u badan ee halkas ku dhintay waa ilaa iyo 13 Qof balse qolooyinka halkaa lagula dagaalamay ee UGUSTA ahna waxaa ka dhintay ilaa lix qofood ,waxaana ka dhaawacantay ilaa iyo 7 dagaal-yahan " ayuu mar kale yiri wasiir Cabdirixmaan.

Mas'uulkan ayaa tilmaamay in odayaasha geeriyooday lagu dul dagaalamay ,isla markaana ay jiraan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo dib isugu aruursanaya deegaano ku dhow-dhow halka ay arintani ka dhacday.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in goobta lagu dilay odayaasha ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ,isla markaana is-rasaasayn labada dhinac dhex-martay ay sababtay geerida 13-ka qof oo isugu jiray culumaa'idiin iyo odayaal dhaqameed si weyn looga ixtiraamo gudaha gobolka Baay.

Ugu danbayn,wasiirka ayaa sheegay in guddi loo saaray baaritaanka dilka dadkan shacabka ah ,waxaana uu ka gaab-saday in uu xasuuqan ku eedeeyo ciidamada Itoobiya oo waqtiyo kala duwan dad ku laayay gudaha Somalia.

Xafiiska Warqabadka Hiiraan Online