4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
Ciidanka Booliska Somaliland oo xiray mid ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Hargeysa


Arbaco, July 20, 2016 (HOL) — Ciidanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay wariye Muniir Axmed Cigaal oo ahaa wariye ka hawlgala Telefishanka dawladdda, isla markaana ahaa Mulkiilaha wargeyska Somalilandtoday oo Hargeysa ka soo baxa.

Illaa hadda ciidamadda ma cadeyn sababta loo xidhay, haseyeeshee, wakhtigii la xidhayey oo uu la socday musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaaa sheegay in ciidanka xidhayey aanay haysan waaran maxkamadeed, isla markaana xabsiga iskaga taxaabeen.

"Anaga wada soconay Muniir Axmed Cigaal waxaana ciidanku ku mareen in uu gaadhiga ka soo dego, ka dibna waxaan ku idhi waax waaran ah oo aad sidataan ma jirto, isla markaana aniga idinka daba keeni doonna ee aniga igu ixtiraama, wayna diideen si sharciga ka baxsan ayaa la iskaga xidhay sidiibayna ku kaxaysteen"ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo job joog ka ahaa xadhiga wariye.

Lama sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeeya xadhigiisa, haseyeeshee, waxa loo malaynayaa in warar lagu baahiyey wargeyskiisa oo xukuumaddu dhibsatay ay sabab u ahayd xadhigiisa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland