4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
SAWIRRO: Dowladda Masar oo Qalab Millateri ugu Deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya


Arbaco, July 20, 2016 (HOL) — Wasiirka Difaaca Xukuumadda Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa safiirka Dowlada Masar u fadhiya Somalia kala wareegay deeq isku jirtay gadiidka dagaalka iyo saanad ciidan oo loogu Talo-galay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Kamaandooska, si ay u xoojiyaan Hawl-galada lagula jiro Al-shabaab.

Danjiraha Masar ee Somalia, Mowliid Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Masar ay Garab-tagaan tahay Soomaaliya, isla markaana ay qayb ka qaadan doonto dib u dhiska iyo Qalabeynta ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka xooga dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed oo isagana hadal ka jeediyay goobta ayaa Xukuumadda Masar ugu mahad-celiyay Deeqdaan ay soo gaarsiiyeen Taliska Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Somalia Jen. Diini oo kala wareegay qalabkan ciidan Safiirka Masar ee Somalia, ayaa xusay in Dhankiisa uu uga mahad-celinayo deeqdan, wuxuuna intaas ku daray in Qalabkaan lagu wareejin doona ciidamada millateriga Somalia gaar ahaan Kumaandoosta.

Ugu dambeyn, Masar ayaa waxay ka mid tahay dalalka taageera Soomaaliya iyadoo sidaan oo kale dhowr jeer Somalia u soo gaarsiisay kaalmooyin loogu talo-galay ciidamada Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya