4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2016
Tartanka K Cagta Dowlad Goboleedyada Shabeelaha Dhexe/Hiiraan iyo Galmudug (Sawiro/Video)

 

Arbaco, July 20, 2016 (HOL) - Ciyaar xiisa badan oo galabta dhaxmartay kooxa kala matalayay  Maamulada Galmudug iyo Shabeelaha dhexe/Hiiran oo ka dhacday garoonka Banaadir degmada Cabdacaziis ee gobolka Banaadir.


Kulanka oo ahaa mid aad u adag ayaa waxaa u soo daawasha tagay taageerayaal aad u tira badan Mas’uuliyin ka tirsan dowlada Soomaaliya, mas’uuliyin ka kala socday maamulada labada kooxeed ee wada ciyaarayay.


Xulalka  kubadda cagta ee Galmudug iyo Shabeelaha Dhaxe/Hiiraan ayaa waqtigii ay ciyaarta socototay waxa ay soo bandhigeen ciyaar xiisa badan oo ku dhisan weerar iyo weerar celis hasa’ahaate kooxda ku ciyaareysay magaca Shabeelaha Dhexe/Hiiraan ayaa u suura gashay in dhamaadka ciyaarta, ay la yimaadan 1 gool  sidaasina looga adkaaday kooxda kubada cagta ee Galmudug oo looga badiyay 1-0  waxeyna kooxda Galmudug isaga hartay tartanka kubada cagta ee Gobalada Dalka.

 



Ciyaarta kadib ayaa warbaahinta  wax ka weydiisay qaar kamid ah ciyaartoyda labada dhinac kuwaa oo muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin ciyaarta maanta dhexmartay.


Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Warsame maxamed saxan (Warsame joodax)  iyo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe Cali Cabdullaahi Xuseen  oo ku sugnaa garoonka kubada cagta ee Banaadir ayaa waxay kooxaha ciyaarayay ku amaanen ciyaarta wanaagsan ay soo bandhigeyn,


Xilibaan Qaasim Cali Nuur iyo xilibaanad Nadiifo Maxamed Cusmaan. Oo kamid ah barlamaanka Soomaliya ayaa ka mid ahaa mas’uuliyintii u soo daawasha tagay ciyaarta waxey sheegen in sportska uu ka turjumaayo nabada iyo is dhaxgalka bulshada,


Maamul  goboleedka Galmudug ayaa maray wadii ay horay u martay Koofur Galbeed, markii laga badiyay labadii ciyaar ee heerka guruubyada.


Xulka kubadda cagta ee Hiiraan/Sh. Dhexe ayaa ciyaarta semi-finalka la ciyaaridoonaan xulka maamul goboleedka Puntland oo kusoo baxay kaalinta labaad guruubka A. Halka kooxda  Jubbaland ay la ciyaaridoonto kooxda Banaadir.