Wararku intaa waxay ku dareen in dadkaasi dhinteen kadib markii dableydu ay rasaas ooda uga qaaday basaskaa oo labo ah.
Tobanaan qof oo kale oo rakaab ahaa ayaa dhaawacmay.
Dowladda Kenya ayaa horay uga digtay suurtagalnimada weerar argagixiso oo ka dhaca gudaha Kenya gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Sidoo kale shalay ayaa waxaa digniino soo saaray safaarada Mareykanka iyo laamo kale oo dawlada Mareykanka ka tirsan kuwaasoo ka digaayay in weeraro argagaxiso ama falal dambiyeed kale ay Kenya ka dhici karaan mustaqbalka dhow.
