4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
SAWIRRO: Wasiirka Amniga Somalia oo Gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gob. Hiiraan


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa; Xidhibaannad Samiira Xasan C/lle oo maalintii shalay ka Ambabaxday magaalada Beledweyne, laakiin galabta dib ula soo laabtay wafdiga wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka oo si kooban saxaafada ula hadlay ayaa ku sheegay ujeeddada safarka ay magaalada Beledweyne ku yimid inuu yahay sidii uu wada-tashi ula yeelan lahaa, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, odayaasha dhaqanka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, balse ma' uusan faahfaahin waxay ka wadahadlayaan isaga iyo bulshada gobolka ku nool.

Wafdiga Wasiirka ayaa Waxaa Baladweyne uga soo Horreeyay Xildhibaanno, Siyaasiyiin, odayaal-dhaqameed, iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaa oo dhamaantood ka soo horjeeda ka qeyb-galka shirka Jowhar.

Sidoo kale, maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay magaalada Baladweyne soo gaaraan xildhibaanno kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo Odayaal-dhaqameed, dhammaantood la filayo inay kala hadlaan Shacabka Gobolka Hiiraan dhismaha Maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya