4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
Saraakiil Tababar kusoo Qaatay dalka Turkiga oo Magaalada Muqdisbo kusoo laabtay (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Saraakiil Soomaaliyeed oo lagu soo Tababaray Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyadoo taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Somalia uu dar-daaran u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada lasoo Tababaray.

Taliyaha ciidamada xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa kula dar-daarmay saraakiisha iyo saraakiil xigeenka tababarka kasoo laabtay in dalka iyo dadka ay aqoontii la soo baray ugu shaqeeyaan. isagoo Xusay muhiimada ay Qaranka u leedahay Tababarkooda iyo kusoo biirista ciidamada xoogga dalka Somalia.

“Maanta laga bilaabo hal qabiil ayaad tihiin; kaasoo ah Ciidanka xoogga Somalia, waxaana soo qaadateen Tababbar Heerkiisu sarreeyo, ujeedkuna waa inaad dalkiina anfacdaan kuwa aan Tababbarkaas fursad u helina bartaan wixii la idin soo baray,” ayuu yiri Jen. Maxamed Aadan Axmed.

Isagoo sii Hadlaya ayaa Wuxuu intaas ku daray. “Waxaa idin saaran Mas’uuliyad Qaran oo culus, waxaana la idinka sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii uu lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, wajiyada saraakiisha kasoo laabtay tababarka ayaa laga dheehanayay farxad iyo ray-rayn, maadama ay fursad u heleen inay dalka dibadiisa wax ku soo bartaan, iyagoo muujiyay inay kalsooni buuxda ku qabaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya