4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
SHARMA’ARKE: Guddi Baaritaan kusoo sameyn doona duqeymaha Kenya ayaa tagaya Ceel-cadde


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay in Xukuumadu ay guddi xaqiiqo-raadin ah u saartay duqeyntii diyaaradaha Kenya ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo Al-shabaab ay Toddobaadyo ka hor ku weeraray ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawl-galka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

RW Sharma’arke oo u Warramayay Warbaahinta DF ayaa xusay in xukuumadda Kenya ay kala hadleen inay joojiso Duqeymaha Diyaareed ee ay ka waddo Qaar ka mid ah Gobollada Somalia, wuxuuna intaa ku daray in guddi xaqiiqo raadin ah oo uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga DF ay dhawaan tegi doonaan Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo, si ay u soo qiimeeyaan Xaaladda dadka Deegaannadaas ku nool iyo saameynta ay ku yeelatay duqeymaha diyaaradeed.

“Guddi xaqiiqo-raadin ah ayaa dhawaan tegi doona deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo, kuwaasoo uu Hoggaaminaya wasiirka Difaaca Somalia Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, si ay u soo Qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Deegaankaas, Sida aad og-tihiina ciidamada AMISOM way ka baxeen Deegaankaas, Waxaana qorsheyneynaa inay Wafdigu goor-dhaw gaaraan deegaanka Ceel Cadde,” ayuu yiir RW Sharma'arke.

Hadalka, RW Sharma’arke ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia loo qaybiyay qaraar ka dhan ah duqeymaha diyaaradaha dagaalka Dalka Kenya ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena loogu baaqay xukuumadda Kenya inay joojiso duqeymaha.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay ee xukuumadda Soomaliya ka hadasho duqeynta ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ka fulinayaan Deegaanka Ceel-Cadde iyo kuwa ku dhow-dhow ee Gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya