4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ururka Midowga Afrika uga waramay xaalada guud ee Soomaaliya


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa Madaxda Madaxda Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku Tallaabsatay Horumar la taaban karo ee dhinaca siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, dalkana ay sannadkana ka dhici doonaan doorashooyin markii ugu horreysay muddo haatan laga joogo 47-sanno.

Xasan Sheekh oo maanta khudbad dhinacyo badan ka jeediyay shir-madaxeedka 26-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa xusay in guulaha ay Somalia ku Tallaabsatay ay ka dhasheen bisaylka Soomaalida ee ku aaddan inay dalkooda dib u dhistaan, kana xoroobaan colaadaha iyo kala qeybsanaanta.

“Waxaan u mahad-celinayaa Beesha Caalamka oo Gacan muuqata ka Geysatay in Somalia ay ka soo gudubto Xilliyadii Adkaa. Ciidanka AMISOM ayaan si gaar ah u xusayaa doorka ay ka qaateen Taageerada Somalia, iyadoo Ciidamada isugu jira Rag iyo Dumar kana tirsan AMISOM ay naftooda u hureen sidii Somalia loo Nabadeyn lahaa. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dalalka ay Ciidammada kaga dhinteen Somalia, gaar ahaan dhacdadii xanuunka badneyn ee loo geystey ciidanka Kenya oo dalkeena u jooga inay na-gacan qabtaan,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa, wuxuu Beesha Caalamka kaga codsadey inay taageero ka geystaan sidii looga mira-dhalin lahaa doorashooyinka sannadkan la filayo inay dalka ka qabsoomaan oo uu xusay inay calaamad wanaagsan u noqon doonaan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wuxuu madaxweynuhu xusey inuu hubo in Argagixisada falalka Aadminimada ka baxsan ka fulinaya Somalia iyo Dalalka dariska ah laga adkaan doono, Dalalka Gobolka iyo caalamkana laga doonayo inay dagaalkaas wadajir uga qaybq-aataan.

Xasan Sheekh, Wuxuuu dhinaca kale Madaxda Midowga Afrika uga Warbixiyay Qaraarkii shalay kasoo baxay shir-madaxeedkii gaarka ahaa ee madaxda Wadamada Bariga Afrika ee ku jira taliska ciidamada sida deg-degga u hawl-gala ay ku yeesheen Addis Ababa, kaasoo ay kaga hadlayeen xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Ugu dambeyn, Shirkii shaley ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Somalia, iyadoo lagu taageeray dadaalka Midowga Afrika ee xal u helista Colaadaha ka jirta Dalka Burundi iyo in dowladda Bujumbura laaga taageeri lahaa sidii ay nabad iyo xasillooni dalka ugu soo dabbaali lahayd dalkeeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya