4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Xasan Sheekh oo ka Wada-hadlay Xaaladda Soomaaliya


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon.

Madaxweynaha iyo Ban Ki-Moon ayaa ka Wada-hadlay Xaaladda Somalia ee Dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, dhaqaalaha, Xuquuqda Aadanaha iyo Arrimo kale oo ku Saabsan Xaaladda dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha Guud ee QM uga mahad-celiyay Taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuba la garab-taagan yihiin shacabka iy dowladda federaalka Somalia.

“Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku Tallaabsatey, waxaana horumarkaas la gaaray gacan weyn ka geystay Qaramada Midoobay. Waxaan ku Faraxsan nahay in QM & Beesha Caalamka ay Somalia garab-istaageen xilli xasaasi ah oo taageeradooda loo baahnaa. Sidoo kale dhawaan waxaan ku Guuleysanay in aan la imaanno qaab doorasho oo aan u qaadanay doorashada Waddankeenna ka dhacaysa Sannadkan. Waan rajeynayaa in QM ay sii Waddo Wada-shaqeynta iyo iskaashiga ay inala leedahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa Shirka ka Sheegay inuu ku Faraxsan yahay Horumarka muuqda ee Somalia ka jira oo uu yiri, Waxaa Sabab u ah Hog-gaanka Somalia & shacabka oo wada-shaqeynaya, isagoo intaa ku daray in dimuqraadiyada Somalia ay Kobcayso, isagoo kula dar-daarmay Soomaalida in Haweenka laga siiyo Talada dalka qaybta ay xaqa u leeyihiin sida uu dhigayo dastuurka.

Dhanka kale, wuxuu xoghayaha guud xusay in QM ay Somalia kala shaqeyneyso Arrimaha la xiriira dhawrista Xuquuqda Aadanaha iyo ka hortagga Tacadiyada ka Dhanka ah Aadmi-nimada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia iyo Xog-hayaha Guud ee QM ayaa kawada hadlay qaabka loo tayeyn karo Hawl-gallada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, hawl-galladaas oo muhiim ah cirib-tirka haraaga Argagixisada ee Nabad-diidka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya