4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
SAWIRRO: Wafdi ka Socda Safaaradda Britain & Madaxda J/Land oo ka hadlay Siyaasadda Dalka

Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Safiir ku-xigeenka Dowladda Ingiriiska u Fadhiya Somalia, Andrew Elan ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigaan ay garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubbaland.

Wafdigan ayaa imaatinkiisa kadib kulan la qaatay madaxweeyne ku xgieenka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland, ayagoo ka wada hadlay arimo ay kamid yihiin siyaasadda dalka, arimaha horumarinta iyo nabadgelyada.

Madaxweyne ku-xgieenka Jubbaland oo kulanka markuu soo Dhamaaday kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga ka wada-hadleen Arrimo ay kamid tahay siyaasadda dalka iyo geedi socodka doorashooyinka dalka ee sanadkan.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xgieenka ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay mar walba in ay aamisan yihiin in xalka Somalia uu ku jiro in wax lagu qeeybsado hab deegaan, balse ay tanaasul sameeyeen, iyagoo eegaya danta umadda.

“Beesha Caalamka waxaanu u caddeeynay innagu, reer Jubaland marnaba inaysan ogolayn, raalina ka ahayn 4.5, Laakiin umadda Soomaaliyeed danteeda anagoo xeerineeyno, anagoo kala taga Somali kala tageeyso aan ogolayn, annagoo mar walba u tanaasuleyna Soomaali-nimada, ayaa waxaan u cadeeynay anagoo shacabka reer Jubaland aan weli ka dhaadhicin in aan u tanaasulnay oo aan qaadannay waxwalba oo dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay beesha caalamkuna ku raacday,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Danjire ku xigeenka dowladda UK oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ay ka Wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka Daba-yaaqada sanada ka dhacaya Soomaaliya iyo sida loo wajahayo iyo arimaha siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in beesha Caalamku ay taageereeyso Soomaaliya, lana rajeeynayo in sanadka 2020 ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho hal-qof-hal-cod ah.

Wafdigaan ayaa sidoo kale kulamo la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka Degmada Kismaayo, iyagoo ka Wada-hadlay Arrimo la Xiriira Nidaamka 4.5-ka ee ay ku Heshiiyeen madaxda Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn, Imaatinka wafdiga Safiir ku xigeenka Britain ee Kismaayo ayaa Qayb ka ah dadaallada Beesha Caalamku ay ku dooneyso inay ku Dar-dar-geliso Meel-marinta go’aan-nadii kazoo baxay shirkii madasha Wadatashiga qaran ee lagu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya