4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
Ururka Midowga Afrika oo sheegay in aan Dalka Burundi loo dirayn Ciidamo illaa ay ka Aqbalaan


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Afhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa sheegay inaan ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika la geynayn Burundi illaa inta laga helayo ogolaaso xukuumadda dalkaas, oo mowqif adag ka istaagtay ciidammo Afrikaan ah oo dalkeeda la geeyo.

Ergeyga Ururka Midowga Afrika oo Gobolka Harooyinka Waaweyn, Ibraahiima Fall ayaa sheegay inaysan markii horeba Ururka Midowga Afrika u Qorsheysnayn inay Ciidammo u diraan waddankaas, illaa xukuumadda Burundi laga helayo ogolaasho dhab ah.

Shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa ka furmay ayaa looga Baaraan-dagayaan in ciidammo Nabad-ilaalin ah oo gaaraya 5,000 oo Askari in loo diro Burundi si la isugu dayo in la joojiyo xiisadaha colaadeed ee dalkaas ka socodo tan iyo Sanadkii hore.

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegaya inuu u arkayo colaad haddii ay ciidammo ka socda Midowga Afrika soo fara-galiyaan dalkiisa, uuna la dagaallami doono ciidamadaas.

Waddanka Burundi ayaa waxa tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore ka billowday colaado ka dhashay go’aankii madaxweynaha Burundi uu ku sheegay inuu markii saddexada u Tar-tamayo Xilka Madaxweynimo ee Waddadnkaas, taasoo ay Mucaaradku kasoo hor-jeesteen; kuna sheegeen inay tahay mid xad-gudub ku ah dastuurka dalkaas.

Colaadaha ka taagan Burundi ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 400-qof oo u badan shacab, iyadoo kumannaan qof oo klaena ay isaga barakacen dalkooda, iyagoo ka baqdin qaba colaado sokeeye oo dalka Burundi ka qarxa mar kale.

Ugu dambeyn, Hadalka afhayeenka u hadlay Midowga Afrika ayaa wuxuu imaanayaa, xilli dhawaan xukuumadda iyo baarlamaanka dalka Burundi ay ku gacan-sayreen inay dalkooda la keeno ciidammo nabad ilaalin ah.

Si kasta oo ay tahay, Xubno ka socda Golaha Amaanka ee QM ayaa Toddobaadkii hore ku tagay booqasho Burundi, waxayna kulan la yeesheen Madaxweyne Nkurunziza, kaasoo ay sheegay inuu ku dhammaaday guul-darro; markii uu Madaxweynuhu diiday inuu ogolaado in ciidammo ka socda Midowga Afrika la geeyo dalkiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya