4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2016
Xukuumadda Turkiga oo Ruushka uga digay inay Diyaaradihiisu ku soo Xad-gudbaan Hawadooda


Axad, Janaayo 31, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ruushku uu la kulmi doono cawaaqib aad u fool-xun; kaddib markii uu ku eedeeyay in Diyaarad dagaal oo dalkaasi laga leeyahay ay mar kale ku soo Xad-gudubtay hawadooda sare.

Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in arrintan ay dhacday Jimcihii, waxayna sidoo kale sheegeen in duuliyaha diyaaradda Ruushka ay digniin horudhac ah siiyeen, taasoo loogu sheegay luuqadaha Ingariiska iyo Ruushka.

Sidoo kale, Ruushka ayaa eedeyntan ku tilmaamay mid aanan jirin, Laakiinse NATO ayaa ugu baaqaday Moscow inay xurmeyso hawada sare ee dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga NATO.

Ugu dambeyn, Bishii November ee sannadkii hore ayay ahayd markii dowladda Turkiga ay soo Ridday Diyaarad Dagaal oo laga leeyahay Ruushka, iyaga oo sheegay inay kusoo Xad-gudubtay hawada sare, arrintaas oo isku badashay dhibaato siyaasadeed oo Ruushku cuna-qabateyn dhanka dhaqaalaha ah kusoo rogay Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya